Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa asaas u ah ku dhaqanka Dastuurka, Sharuucda iyo xeerarka u yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna ku shaqeyneysaa daah-furnaan , isla xisaabtan iyo dowlad-wanaag ku saleysan barnaamijkeeda iyo qorshaha horumarinta Qaranka.
Sidaa awgeed, iyada oo la tix-gelinayo hab-sami u socodka howlaha maamul oo ay hayaan xoghayeyaasha joogtada ah iyo Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee xukuumadda hoos yimaada, waxaa si buuxda la idin kugu wargelinayaa arrimaha soo socda:-
1 – Waxaa la mamnuucay in oggolaasho la’aan xil-ka-qaadis lagu sameeyo:-
- Xoghayeyaasha Joogtadab ah.
- Agaasimeyaasha Guud.
2 – In Ra’iisulwasaaraha marka hore lagala tashado, tallaabo kasta oo anshax marin ah.
Goobjoog News