U bood dhigaalka

Jowhar: Doorashada Aqalka Hoose Oo Hakatay

Sheeko:Baarlamaanka

Maalintii seddexaad maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa hakad ku jira doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada ayaa hakad loo geliyay shaqaaqo dhowaantan ka dhacday magaaladaasi gaar ahaan xarunta doorashada oo khasaare dhaawac ah ay ka dhalatay.

Guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa sheegay in israsaaseyntii dhexmartay wasiirka dhallinyarada Soomaaliya ilaaladiisa iyo ciidanka ilaalada ka ah xarunta doorashada loo saaray guddi ku sameeya baaritaan.

Xarunta maamulka Hirshabeelle maanta iyo labadii maalin ee la soo dhaafay arrimahaasi ammaanka awgood ayaa loo hakiyay doorashadii aqalka hoose ee ka socotay.

Wax doorashada ah oo ka socda ma lahan waxaana guddiga doorashada ay sheegeen in markii lagu guuleysto in baaritaanka uu soo dhammaado kadib la shaacin doono xilliga rasmiga oo doorashada ay dib u billaabanayso mar kale.

Jowhar ayaa ka geddisan sidii hore waxaana ku sugan siyaasiyiin iyo dad kale oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya 2016-ka illaa 2020-ka.

Goobjoog News