U bood dhigaalka

Jubbada Hoose: Qarax Lala Eegtay AMISOM

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ayaa qarax waxaa lagula eegtay deegaan Kampooni ee gobolka Jubbalada hoose, waxaana xigtay israsaaseyn xoogan oo u dhaxaysay ciidamada iyo Al-shabaab, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegayaa in ay la socdeen Booyad biyo u dhaaminaysay ciidanka, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray ciidanka la qarxiyey, mana jiro hadal kasoo baxay ciidamada Kenya eek u sugan Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa inta badan waxaa qaraxyo lagula eegtaa golada Jubbooyinka iyo gudaha dalkaas, waxaana mas’uuliyadda badanaa sheegta Al-shabaab weerarro kala duwan ka geysta gudaha Kenya.

Goobjoog News