U bood dhigaalka

Jubbaland: Afar Ka Mid Ah Kuursta Aqalka Sare Oo Saaka Lagu Dooranayo Kismaayo

Sheeko:Amniga

Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wada in magaalada Kismaayo ee xarunta KGM ah maamulka Jubbaland lagu doorto Afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalla sare Jubbaland ay ku leedahay.

Hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa saaka ka soconaya diyaar gawroga doorashada Aqalka Sare Jubbaland.

Afarta kursi ee saaka la dooranayo ayaa qeyb ka ah 8 kursi oo Jubbaland Baarlamanka Aqalka sare.

Dhamaan musharixiinta u tartameysa kuraastan ayaa is diiwaan geliyay.

Maamulka Jubbaland ayaa ah maamulki Afaraad ee dowlad gobaleedyada ka mid ah oo soo dhameyatira kuuraastiisa Aqalka sare kadib maamulada Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Puntland.