U bood dhigaalka

Jubbaland: AMISOM oo Waddo in Ciidamada Soomaalida ah La Wareegaan Amniga

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay AMISOM ku wareejisay saldhig cusub oo halkaas laga dhisay kaas oo wax badan ka tari doona amniga gobolka.

Saldhigan waxaa maalgeliyey dalka Denmark, waxaana la sheegayaa in barnaamijkan uu qeyb ka yahay tabta ay ciidamada AMISOM amniga ugu wareejinayaan Soomaalida.

Brigadier Paul Njema, oo AMISOM madax ah uga ah  Sector 2,  ayaa wareejiyey saldhigga isaga oo ku hadlaya magaca ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in Dhoobley ay noqotay magaalo weyn, marka ay magaalo kortana waxa ay wadataa caqabado una baahan amni”.

Njema said: “We want to say, Dhobley continues to be secure, it has grown to a very big town and, of course, when towns grow they come with challenges.”

Qorshaha ciidamada Soomaalida ay amniga kala wareegayaan AMISOM waxaa uu bilowday April 2018, waxaana lagu wadaa inuu socda ilaa 2021, kolkaas oo lagu wado in AMISOM ay Soomaaliya isaga baxdo.

Goobjoog News