U bood dhigaalka

Jubbaland: Asad Cabdirisaaq Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#120, oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo Siciid Cabdiqaadir Shugri.

Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP#120 ee Golaha Shacabka , kadib markii uu helay 77 cod halka musharixii la tartamayay ee Saciid Cabdiqadir Shugri uu helay 18 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#120 oo uu ku guuleystay Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Goobjoog News