U bood dhigaalka

Jubbaland: Cabaas Cali Ibraahim Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#111, oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabaas Cali Ibraahim iyo Aadan Mursal Cadow.

Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga HOP#111 ee Golaha Shacabka , kadib markii uu helay 79 cod halka musharixii la tartamayay ee Aadan Mursal Cadow  uu helay 17 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#111 oo uu ku guuleystay Cabaas Cali Ibraahim.
Goobjoog News