U bood dhigaalka

Jubbaland: Cabdinuur Cali Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#28,  oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdinuur Cali Aadan iyo Axmed Cabdi Maxameed .

Cabdinuur Cali Aadan ayaa ku guuleystay kursiga HOP#28, ee Golaha Shacabka , kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay ee Axmed Cabdi Maxamed

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#28, oo uu ku guuleystay Cabdinuur Cali Aadan.
Goobjoog News