U bood dhigaalka

Jubbaland: Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#127,  oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed.

Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi  ayaa ku guuleystay kursiga HOP#127, ee Golaha Shacabka , kadib uu helay 84 cod, halka musharixii la tartamayay ee Dr. Axmed Aadan Axmed 16 cod .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#127, oo uu ku guuleystay Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi.
Goobjoog News