U bood dhigaalka

Jubbaland: Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka oo ay horay ugu sugnaayen ururka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sheegay in ay deegaanka la wareegeen kadib markii ay isaga baxeen ururka alshabaab oo ku sugnaa deeganka Janaay Cabdalle.

Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaana xaqiijiyay in Al-shabaab laga ceyriyay deegaankaas Birta dheer, waxaana ay ciidamada sheegeen in ay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay bilaabay hawlgallo ka dhan ah ururka alshabaab, kuwaas oo laga fulinayo deegaannada ay alshabaab kaga sugan yihiin deegaannada Jubbaland.

Goobjoog News