U bood dhigaalka

Jubbaland: Dadweynaha oo u Codeeyey Hal Deegaan Doorasho

Sheeko:Amniga

Dadka waxaa ay qabaan in doorashada dalka ka dhaceysa Soomaaliya gaar ahaan tan Jubbaland lagu kobo hal deegaan doorasho.

Codbixin dhanka Twitterka ah oo ay qabatay Goobjoog News waxaa ku cad in shacabka ka qeyb galay ay u codeeyeen intooda badan in Jubbaland doorashada ay ku gasho hal deegaan doorasho, waxaa xigta doorashada iyo maamulkeeda in la hoos geeyo Axmed Madoobe, waxaa xigtay isku dhaf in laga dhigo halka ay ugu dambeysay in reer Gedo loo madaxbanneeyo waxa socda.

Akhriso: Codbixinta:

Shirka doorashada qodobada looga hadlayo waxaa ka mid arrinta Gedo, hadaba sidee kula tahay in xal loogu helo deegaan doorashada. Mid ka dooro afartan xulasho:-
Doorashada Hal deegan: 32.9%
Kismaayo la hoos geeyo: 25%
Maamul isku dhafan: 22.4%
Gedo in la madax-baneeyo: 19.7%