U bood dhigaalka

Jubbaland: Doorashada Musharraxiinta Aqalka Sare Oo Ka Billaabatay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa ka billaabatay doorashada musharraxiinta xubnaha u taagan aqalka sare gaar ahaan qeybta kusoo aaddey maamulka Jubbaland.

Kuraasta loo tartamaya waa 8 Kursi, waxaana tartanka ku jira 17 musharrax, iyadoo xildhibaannada Jubbaland ay dooran doonaan dadka ay aqalka sare usoo xulanayaan.

Musharraxiintan tartamaysa ayaa shalay baarlamaanka Jubbaland kahor jeediyey khudbadahooda, waxaan musharrax walbo uu soo bandhigay waxa uu qaban doono.

Senator-kii ugu horreeyey ee aqalka sare waxaa loo doortay 15-kii bishan, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) kadib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News