U bood dhigaalka

Jubbaland: Dr Siciid Maxamed Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#93,  oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Dr Siciid Maxamed Cali iyo Mahad Nuur Cismaan.

Dr Siciid Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga HOP#93, ee Golaha Shacabka , kadib uu helay 74 cod, halka musharixii la tartamayay ee Mahad Nuur Cismaan uu helay 24 cod .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#93, oo uu ku guuleystay Dr Siciid Maxamed Cali.
Goobjoog News