U bood dhigaalka

Jubbaland: Guddiga Doorashada Aqalka Sare Oo Bilaabay Diiwaangelinta Musharixiinta

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaar Jubbaland ka bilaabmaya diiwaan gelinta musharixiinta kuraasta Aqalka sare ee jubbaland ku matalaya BJFS.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Talaadadi soo gudbiyay liiska musharixiinta Aqalka sare, iyadoo guddiga ay shaaciyeen Jadwalka doorashada.

Jadwalka ayaa waxaa ku xusan in maanta oo arbaco ah ay bilaabato diiwaan gelinta musharixiinta iyo bixinayaan khidmadda laga rabo musharixiinta.

Dhanka kale guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa gaaray magaalada Kismaayo halkaas oo berri la filayo in ay ka dhacdo doorashada Aqalka sare.

Qoraal ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa lagu yiri “Xubnaha Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada aqalka sare ee ka dhici doonta Jubbaland, Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Aqalka Sare iyo golaha shacabka BFS”.

Maamulka Jubbaland ayaa ah maamulka ugu horeyay oo soo dhameystiray diyaarinta doorashada Aqalka sare.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada iyo Magacyada Musharixiinta