U bood dhigaalka

Jubbaland: Haddii Jawi Lagu Wada Hadli karo Jiro Waan Tageeyna Shirka

Sheeko:Amniga

Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada dalka oo la filayay in uu Khaamiistii aan soo dhaafnay ka furmo Muqdisho kaas oo baaqday .

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jubbaland mar walbo ay diyaar u tahay in ay ka qeeyb gasho shirka, balse hadda aysan u muuqan jawi dagan oo ay shirka kaga qeyb galaan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sido kale sheegay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay waxa Muqdisho ka dhacay saacadihii la soo dhaafay .

“Shirka waan u diyaarsaneyna in aan ka qeeyb galno waatey wax dhaceen magaalada xaaladeeda waad la socotaan dib baan u qiimeyneyna laakiin mar walbo waan ka qeyb galeyna sababtoo ah xal kale oo in la isku tago oo la wada fariisto oo ay Soomaaliya arrimaheeda xalisato si aynan dib ugu noqonin oo qaranimadeenii dib ugu noqan” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland .

” Haddii Magaaladii dadkii wax wada lahaa ay is faham saneyn oo sidii ay maanta u muuqatay ay magaalo dagaalo ka dhaceen ciidamadii kala qeyb sameen siyaasiyiintii iyo musharixiintii iyo madaxdii kale ay kala qeyb sameen jawaabaha Media-ha  , Haddii jawi lagu wada hadli karo jiro waan tageeyna”.