U bood dhigaalka

Jubbaland: Haddii Lasoo Deyn Waayo Wasiir Janan Wixii Ka Dhasha Madaxweyne Farmaajo Ayaa Ka Mas’uul Ah

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay siideynta wasiirka amniga ee maamulkaasi, C/rashiid Xasan (Janan)

C/raxmaan Maxamed Xuseen oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa isaga oo la hadlayey warbaahinta wuxuu ugu horreyn sheegay in madaxda Jubbaland ka codsanayaan DFS iney sii deyso wasiir Janan.

Wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in la afduubto wasiirkooda, wuxuuna ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo Janan.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in haddii aysan DFS soo deyn Janan wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay ay mas’uuliyaddeeda qaadi doono madaxweyne Farmaajo.

“Wasiirka amniga Jubbaland Dambiile ma ahan, waxaan idin ka codsaneynaa inaad soo deysaan, haddii aad soo deyn weydaan wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay waxaa mas’uuliyaddeeda yeelanaya ama qaadaya madaxweynaha dowladda federaalka” ayuu yiri wasiir C/raxmaan.

Wasiir Janan ayaa weli u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu eedeeyey inuu dhibaato u geystay shacab ku sugnaa gobolka Gedo.

Goobjoog News