U bood dhigaalka

Jubbaland “Ma Aqbali Donno In Kenya Kusoo Xadgudubto Taako Ka Mid Ah Dhulkeena”

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin dowladda Kenya inay kusoo xadgudubto Taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan Cabdiqaadir Luga Dheere oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in Jubbaland ay mar walba dadaal ugu jirto sidii aan loogu soo xadgudbi lahayn dhulka Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayuu sheegay inay kala hadleen arrinkaasi, una sheegeen in marnaba la aqbli doonin inay dhulka Soomaaliya kusoo xad gudubto.

“Ma aqbali donno in Kenya ay kusoo xadgudubto taako ka mid ah dhulkeena, iyagana waan u sheegnay, sidoo kalena hadda waan cadeynaynaa, dhulka Soomaaliyeed waa lama taabtaan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland.

Suldaan Luga dheere ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku sheegay eedeyn dhawaan loo jeediyay maamulkooda iyo sidoo kale ciidamada Kenya oo ah in si sharci darro ah uga ganacsadaan Sokorta iyo dhuxusha.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Kenya ay Kismaayo u joogaan Nabad ilaalin oo kaliya, balse wararkaasi ay yihiin kuwo aan laga soo fiirsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kenya ayaa dhawaan kusoo xadgudubtay dhulka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka degmada B/xaawo, iyaga oo meesha ka saaray dhagxaantii calaamadda u ahaa xuduudka labada dhinac.

Goobjoog News