U bood dhigaalka

Jubbaland: Maxamed Nuur Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#107, oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Maxamed Sheikh Nuur Cismaan iyo Xasan Cismaan Aadan.

Maxamed Sheikh Nuur Cismaan  ayaa ku guuleystay kursiga HOP#107 ee Golaha Shacabka , kadib markii uu u tanaasulay Xasan Cismaan Aadan oo la tartamayey.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#107 oo uu ku guuleystay Maxamed Sheikh Nuur Cismaan.
Goobjoog News