Jubbaland oo Aqbashay Go’aankii Madasha, Kana Hor Timid in Loogu Yeero KMG

Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Mechael Keating oo uu wehliso safiirka Sweden ayaa maanta booqasho ku tagay Kismaayo, xarunta Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbalad Axmed Islaan Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arrinta Soomaaliya laga fogeeyo danaha gaarka ah oo  laga shaqeeyo danta guud, isagoo  intaa raaciyay in dhaqanka dowladda federaalka iyo beesha caalamka ee ku aadan Jubbaland aanu aheyn  mid la aqbali karo.

Axmed Madoobe waxaa uu wakiilka xogheyaha guud ee qaramada midoobey u sheegay  in aanay saxiixi doonin warqad dambe oo ay ku qoran tahay KMG, lakin waxaa uu ku daray in uu diyaar u yahay in wixii dhiman laga wada hadlo.

Xafiiska UN-ka ee Kismaayo ma helno adeegyada aan uga baahanno, sida diyaarado iyo arrimo kale, waxaa uu is weydiiyay sababta loola simi la’yahay gobolada kale iyo in ay sugayaan jawaan arinkaas ku aadan.

Waxaa uu u mahadceliyay wadamada Yurub sida Ingiriiska, Denmark, Sweden, Italy kuwaas oo si weyn u caawiyay Jubbaland.

Waxaa uu sidoo kale waxaa uu u mahaceliyay AMISOM iyo midowga Afrika iyo wadamada caawiya, isagoo uga tacsiyeeyay ciidamadii ka dhintay sida kuwii Kenya uga dhintay Ceel-Cadde.

Madoobe waxaa uu barabagando ku tilmaamay duqeyn laga sheegayo arrinta Gedo isagoo meesha ka saaray in Kenya ay halkaas duqeyn ka waddo.

Ugu dambeyntii waxaa uu Madoobe ku dhawaaqay in ay Jubbaland aqbashay go’aankii madasha ee nooca doorashada 2016-ka ee Muqdishu lagu gaaray.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW