U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Beenisay In Ciidamada Itoobiya Ay La Wareegeen Gacan Ku Haynta Amniga Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar maalmahani dambe soo baxayay islamarkaana sheegayay in ciidamada Itoobiya ee gaaray magaalada Kismaayo ay la wareegeen guud ahaan amniga magaaladaasi.

Afhayeenka maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar Maax oo maanta oo Khamiis ah la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wararkaasi aysan sax ahayn, islamarkaana amniga Kismaayo ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland.

Seeraar ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka mid yihiin kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayna Kismaayo u joogaan sidii ay u qaadi lahaayeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

“Waxaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen amniga magaalada Kismaayo oo shirka 10-ka bishaan halkaan lagu qabanayo ay amnigiisa sugayaan, waxaan idiin cadeynayaan in amniga Kismaayo ay sugeen kuwa Jubbaland haatanna ay u taagan yihiin inay sugaan, waana been hadalkaasi, ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee AMISOM waxay halkaan u taagan yihiin inay la dagaallamaan cadowga Al-shabaab” ayuu yiri Seeraar.

Todobaadkaan ayaa magaalada Kismaayo waxaa la geeyay ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Itoobiya, kuwaasi oo la sheegay in ay qeyb ka qaadan doonaan howlgal loogu magac daran Wabiga Jubba oo lagula dagaallayo Al-shabaab.

Goobjoog News