Jubbaland Oo Ciidamo Kala Dhexdhigtay Beelo Ku Dagaallamay Duleedka Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay ciidan kala dhexdhigaan beello dhowaan ku diriray duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxa ay ciidamadan ka hortagi doonaan dagaallo kale oo dib uga dhaca duleedka magaalada Kismaayo, dhanka kalena wuxuu maamulka Jubbaland ku howlan yahay isku keenista waxgaradka beelahan dagaallamay.

Jubbaland ayaa geysay Ciidamo iskugu jira Boolis iyo nabad-sugid deegaannada ay ka mid yihiin Haadweyne ee gobolka Jubada hoose halkaasi oo ay dirirtu ku dhexmartay beelahaan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dagaalamay deegaannada galabeed ee Magaalada Kismaayo beelo wada dega waxaa uuna dagaalkooda uu salka ku hayay dhulala ay isku qabsadeen.

Hadda waa ay degantahay deegaannadii ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleedyadaan waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW