U bood dhigaalka

Jubbaland Oo DF Ugu Baaqday In Ay Ka Jawaabto Duqeymaha Kenya

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan ayaa ugu baaqay dowaldda somaliya in ay wax ka qabato duqeymaha diyaaradaha kenya ka geysanayaan gobalka gedo .

Shir looga tashanayay amniga dowlad gobaleedka Jubbaland kaas oo uu shir gudoominayay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa looga hadlay xaaladda aminga deeganada maamulkaas iyadoo si gaar ah mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeyb gashay ay u cambaareyn duqeymo ciidamada Kenya maalma ka hor ka geysatay deegana hoostaga Gobalka Gedo .

Maxamuud Sayid Adan ayaa dowladda soomaaliya u soo jeediyay in ay jawaabta ku haboon ka bixiso duqeymaha ciidamada kenya ka wadaan dalka .

Diyaaradaha ciidamada Kenya ayaa dhamaadkii todobaadkii hore waxa duqeymo aan loo meel dayin ka fuliyeen deegana hoostaga gobalka Gedo xilli dad shacab ah oo u badan carruur ay wax yeelo ka soo gaartay .

 

Goobjoog News