Jubbaland Oo Duulaan Ku Ah Degmada Bu’aale (Dhageyso)
Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin degmada Bu’aale oo caasimadooda ah si ay halkaasi uga saaraan dagaalyahannada Al-shabaab.
Madaxweynaha maamulkan, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo ku sugan degmada Afmadow iney soo gabagabeeyeen isku diyaarintooda howlgalladan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in gobolka Jubbada Dhexe dhan ay doonayaan iney ka saaraan Al-shabaab islaamarkaana dhowr jiho ay ka weerari doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Shacabka ayuu ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan deegaannada Jubbaland.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News