U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Gobalka Gedo Kasoo Erisay Saraakiishii Dowladda Ee Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray saraakiishii dowladda ee gobalka Gedo iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale, ka dib markii laga soo eryay gobalkaasi.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa maanta soo caga dhigatay diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiinta kala ah Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyahii gobalka Gedo, balse xilka laga qaaday, Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan, gudoomiye ku xigeenkii gobalka Gedo Cabdi Barre Cabdi, gudoomiyahii Ahlu-sunna ee gobalada Koonfureed Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-libaax iyo xubno kale.

Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in xubnaha maanta yimid magaalada Muqdisho ay muddo Todobaad ah ku xirnaayeen degmada Doolow oo ay xireen ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xilka aanu ka qaadin madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, balse xilka ay ka qaadday dowladda Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xurriyada iyo sharafka yaga kuma aanay joogin muddo Sideed Maalin ah, xabsi dowlo ayaan ahayn, midda kale xil la’iga qaaday ma jirto, hadiiba wax la qaaday waxaan qabaa Itoobiya ayaa iga qaaday” ayuu yiri Kaliil.

Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in wada tashi ay la sameyn doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeedda gobalka Gedo.

Goobjoog News