U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ishor Istaagtay, 4 Shuruudna Ku Xirtay Furitaanka Shirkii Farmaajo iyo Puntland, Jubbaland

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa is hor istaag ku sameeyey shir lagu waday inuu xalay u furmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland.

Is hor istaagga Jubbaland ayaa lagu saleeyey kadib markii Villa Somalia iyo maamulka Farmaajo ay ka baxeen ballamo ay horay ula galeen Kismaayo.

Ilo ko dhow Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Jubbaland ay furitaanka shirka ku xiray shuruudo afar ah:

Dowlad goboleedyada  oo dhan in shirku Yimaadaan: Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa diiday in shirka loo dhigo mid u dhaxeeya Puntland, Jubbaland oo dhinac ah iyo Farmaajo balse loo baahan yahay in loo waco maamul goboleedyada kale, loona dhamaado.

Dib u eegis lagu sameeyo Dhuusamareeb 3: Jubbaland waxaa kale oo ay soojeedisay in dib u eegista lagu sameynayo shirka Dhuusamareeb 3 ay u dhamaadaan dhammaan maamul goboleedyada, goobjoogna ka ahaadaan, si natiijada u noqoto wadar ogol.

Ciidamada Farmaajo in laga soo saaro Gedo: Jubbaland waxaa ay shuruudda ku dartay in Farmaajo uu ka baxay heshiiskii Dhuusamareeb 2 oo ahaa in Farmaajo uu ciidamadiisa kala soo baxo Gedo, amniga gobolkana gacanta loo gelo Jubbaland, taasi oo la joogo in la fuliyo kahor shirkan.

 In Gedo Lagu Celiyo Maamulkii Jubbaland:  Axmed Madoobe waxaa shuruudihiisa ka mid ah in Gedo dib loogu celiyo maamulkii uu Farmaajo ceyriyey ee matalayey dowlad goboleedka Jubbaland.

Shuruudahan ayaa imaanaya iyada oo mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia uu shalay daabacay in xalay uu Farmaajo furayo shirka kala dhaxeeya madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Goobjoog News