U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ka Falcelisay Hadalkii Ka Soo Yeeray Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira

Sheeko:Amniga

Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan  iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay  si kulul  u cambaareeyeen hadalkii dhowaan  lagu eedeeyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira,

Wakiilka ayaa dhowaan xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalka ay ku eedeeyey inuu lasaftay madaxda dowladda hadda jirta iyaga oo baaq u diray midowga Afrika oo ugu baaqay in laga badalo Francisco Madeira, Maxamuud sayid Aadan ayaa dhankiisa warbaahinta ka hor sheegay   in uu gef u geystay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa wax laga xumaado  ku tilmaamay in Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku milmay Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isaga oo sigaar ah u magacaabay  Beel Soomaaliyeed,isla markaana aaney aheyn mid sax ah waaxan dowladda federaalka iyo Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayuu ugu baaqay  inay dib u eegis ku sameeyaan hadalkii Francisco Madeira.

Dhanka  kale Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka federaalka Soomaaliya  ayaa dhankiisa sheegay in falka uu ku kacay Amb, Francisco Madeira uu yahay mid ka baxsan anshaxa Midowga Afrika, xdilhibaan xidig ayaa sheegay in dhawaan ay  furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayna la tiigsan doonaan maxkamad sida uu yiri.

Goobjoog News