U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ka Warbixisay Howlgallo Laga Sameeyey Duleedka Jamaame

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, kaas oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarun KMG maamulkaas.
Ugu horayn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo, kadib markii qarax gaari loo dhigay.
Wasaarada amniga maamulka ayaa faahfaahin ka bixisay xaalada amniga iyo howlgalada hay’adaha ammaanka oo ay kamid yihiin sugida amniga magaalooyinka iyo doorashooyinka, wasaaradu waxaa ay sheegtay in socdaan howlagallo ballaaran.
Waxaana sidoo klae wasaaraddu ay ka warbixisay howlgallo laga sameeyey duleedka degmada Jamaame, waxaana intaas ay ku dartay in lagu dilaya  xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalana lagu soo qabtay tiro maxaabiis ah, sida uu hadalka u yiri.
Dhanka  kale golahu wuxuu ansixiyay siyaasada nashqadaynta guryaha Jubaland oo ay kamid yihiin dhismaha guryo tayo leh oo loo dhisayo dadka gudaha Jubbaland ku barakacay iyo dadka kasoo noqonaya xeryaha qoxootiga dhadhaab Kenya.
Ugu dambeyn Xildhibaan Cabdirashii Maxamed Xidig ayaa golaha usoo bandhigay tijaabada Doog dabiici ah oo lagu beeray gudaha Jubaland oo mudo kooban kusoo bixi kara kadibna la siin karo xoolaha isla markana ganacsato ay leeyihiin fikirkiisa.
Goobjoog News