U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Lacag La’aan Ku Diiwaangelinaysa Warbaahinta Iyo Wariyeyaasha Ka Howlgala Kismaayo

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulka Jubbaland ayaa loogu yeeray dhammaan wariyeyaasha ka howlgala magaallada Kismaayo iyo sidoo kale mas’uuliyiinta qalabka warbaahineed ee magaalladaasi yaalla in muddo 10 cisho ah gudahooda isku diiwaan geliyaan.

Mudada diiwaangelinta ayaa ka billaabanaysa maanta oo ay ku beegan tahay 3-da bisha Maarso, kuna eg 13-ka isla bishaan, waxaana la sheegay in wixii waqtigaa ka dambeeya aanu Kismaayo ka shaqeyn doonin wariye ama warbaahin aan haysan shatiga wasaaradda warfaafinta Jubbaland.

Diiwaan gelinta ayaa lagu sheegay inay tahay lacag la’aan, iyadoo lagu adkeeyay dhammaan cidda ay quseyso farriintaan in degdeg ay ku tagaan wasaaradda warfaafinta Jubbaland.

Jubbaland

Goobjoog News