U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Magacawday Guddi Ka Shaqeeya Maamulka Iyo Maareynta Arrimaha Dhulka

Sheeko:Dalka

Shir ku saabsan maareynta khilaafka la xiriira dhulka iyo qaabeynta magaalooyinka Jubbaland ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweyne ku-xigeenka maamulka  Jubbaland waxaana ka soo qeyb-galay guddi u xilsaaran arrinta maareynta khilaafka dhulalka oo ka kooban qaar ka tirsan wasaaradaha maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii go’aan looga gaari lahaa muranka dhulalka ku saabsan ,kaasi oo ku soo noqnoqda deegaannada Jubbaland.

Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka waxaa aqriyey wasiiru dowlaha wasaaradda madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan waxaa uuna yiri.

“Waxaa lagu wargelinayaa muwaadiniinta reer Jubbaland bulsho weynta Soomaaliyeed iyo maalgasheyaasha caalamiga ah in wareegto madaxweyne lagu magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka shaqeeya maamulka iyo maareynta arrimaha dhulka, waxaa ay ka shaqeyn doonaan guddiga arrimahan soo socda Maamulidda maareynta habsami socodka dhulka, uruurinta dib u eegista iyo diyaarinta sharuucda iyo xeernidaaminta arrimaha maamulka dhulka Jubbaland”.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca muranno ku aadan dhulalka aan sharciyeysneyn, waxaa uuna xeerkan sahlayaa in uu yaraado khilaafka ku saabsan dhulalaka.

Goobjoog News