U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulineysa Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka warbixiyey safar maalmo qaatay oo ay ku joogaan deegaanno ka mid ah gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka in ulajeedka Gedo u joogaan ay ka mid tahay fulinta mashaariic Horumarineed, dib u habeyn dhanka maamulka ah iyo sidoo kale arrimo la xiriira amniga.

Wuxuu sheegay in hadda ay ku guuleysteen in la dejiyey qorshe ballaaran oo amniga lagu sugayo, islamarkaana maalmaha soo aadan Al-shabaab laga saari doono deegaannada Gedo ay ka joogaan.

Mar uu Maxamuud Sayid Aadan soo hadal qaaday arrinta ku aadan mashaariicda horumarineed ayuu tilmaamay in marka hore ay ku xiran tahay deegaan walbo iyo waxa ku filan daboolidda baahidiisa.

Wuxuu tilmaamay in Ceelal Biyood ay ka hirgelin doonaan deegaanno ka mid ah Gedo oo dadka aad ugu ooman yihiin biyo ay helaan iyo mashruucyo kale.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhawaan kasoo amba baxay magaalada Kismaayo iyaga oo yimid gobolka Gedo, waxaana ay qabsadeen muddo 45 cisho ah oo dib u habeyn loogu sameynayo guud ahaan gobolkaasi.

Goobjoog News