U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Shaacisay Qaar Ka Mid Ah Musharixiinta Aqalka Sare Iyo Jadwalka Doorashada Oo La Soo Bandhigay

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa goordhaw shaaciyay xunbanaha u tartamaya kuraasta aqalka sare ee deeganada Jubbaland.

Musharixiinta la shaaciyay ayaa gaaraya illa iyo 9 musharax oo u tartamaya afar ka mid ah 8- kursi ee Aqalka sare ee Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaciyay xubnaha tartanka galayo ee jubbaland .

Dhanka kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Aqalka sare ee Jubbaland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada Aqalka sare ee jubbaland.

Maalinta khamiista ah ayeey guddiga shaaciyeen in ay dhaceyso doorashada aqalka sare ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Hoos ka akhriso magacyada Musharixiinta iyo jadwalka doorashada aqalka sare ee Jubbaland.