U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Sheegtay Inay Dishay Maxamed Dulyadeen Oo Ka Tirsan Saraakiisha Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa xaqiijiyey geerida saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu sheegay in lagu dilay dagaalkii Buulo-gaduud ee gobolka Jubada Hoose.

Waxa uu sheegay wasiirka inay dhinteen Maxamed Maxamuud Dulyadeen oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, iyo sidoo kale Macallin Isqaax oo Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobollada Jubbooyinka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada Soomaaliyeed waxay qaadeen howlgallo ay ku baacsanayaan nabad diidka Al-shabaab, waxaa la dilay sarkaal sare oo lagu magacaabayey Dulyadeen kaasi oo muddo badan la raadinayey, sidoo kale ragga la dilay waxaa ka mid ah Macalian Isxaaq oo qaraxyada Jubbooyinka u qaabilsanaa Al-shabaab, wadarta guud ee Shabaab laga dilay waa 16 oo Afar ka mid ah ay yihiin saraakiil halka 12-ka kale ay askar Al-shabaab ah ahaayeen” ayuu yiri wasiir Janan.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud oo 30 km u jira magaalada Kismaayo aanay ka qeybqaadan ciidamada AMISOM una gaar ahaa ciidanka Milatariga Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran iyo sidoo kale kuwa Jubbaland.

“Waxaan idiin cadeynayaa in howlgalkaan ay si geesinimo leh u sameeyeen ciidanka Soomaaliyeed oo isugu jiray kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ciidamada AMISOM iyo cid kale oo shaqo ku leh howlgalkaan ma jirto” ayuu yiri wasiirkaa.

Dowladda Kenya ayaa horay 2 Milyan oo Kenya Shilin waxay u dul dhigtay Maxamed Dulyadeen la rumeysan yahay inuu abaabulay weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday April 2 2015 oo ay ku dhinteen 150 qof kuna dhaawacmeen 79 ruux oo arday ahaa.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal waxa ka jira in dagaalkii Buulo-gaduud looga dilay saraakiishan inkastoo xaaladda deegaankaasi tahay mid deggan.

Goobjoog News