U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Soo Dhaweeysay Shir Uu Madaxweeyne Farmaajo Ku Baaqay

Sheeko:Amniga

Dowlad Govaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeysay shir deg deg ah oo loga arinsanayo xaaladda doorashooyinka dalka , kaas oo uu Madaxweeyne Farmaajo, xalay ku baaqay in la isugu yimaado.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Dowlad gobaleedka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maamulkooda ay soo dhaweynayaan shirka uu Madaxweeynaha ku baaqay in la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb Bilawga bisha soo socota.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan ay aheyd mid loo baahna in xilli hore la isasoo hor fadhiisto balse hadda uu ku soo aaday.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa Horay ugu baaqay in 30 ka bishaan oo ku beegneyd shalay shir la isugu yimaado magaalada Muqdisho, Si xal looga gaaro tabashooyinka Arimaha Doorashooyinka.

Wasiir Cabdi Xuseen, ayaa sidoo kale sheegay in gudiyadi ay magacaben oo ay dowladdu diiday in ay ku dooneyso dowladda mudda kororsi, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka Dhuusamareeb ka dhacayo xal looga gaaro khilaafaadka doorashooyinka.

Sikastaba shirka dowladda ay ku baaqday ayaa yimid kadib markii Madaxweeynaha uu kulan Madaxtooyada kula qaatay Xubnaha Beesha Caalamka.