U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askari Horay Dil U Geystay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada  qalabka side  dowlad gobaleedka  Jubbaland, ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari horay dil ugu geystay askari kale oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Jubbalanad.

Askari maanta lagu fuliyay xukunka dilka ah, ayaa lagu magacaabi jiray Bakar Xasan, isagoona horay dil ugu geystay marxuum Siyaad Maxamed Xasan oo isaguna horay uga tirsanaan jiray ciidanka daraawiishta Jubbaland.

Marxuum Siyaad Maxamed Xasan ayaa la dilay 27-kii November ee sanadkii hore, iyadoona laamaha ammaanka Jubbaland ay markaas wixii ka danbeeyay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay, iyadoona maanta ugu danbeyn loo qisaasay.

Gaashaanle dhexe Maxamed Axmed Xeer ilaaliyaha Ciidanka Jubbaland, ayaa warbaahinta la wadaagay Xukunkaan dilka ah oo ay maanta Maxkamada ciidanka Jubbaland ku fulisay Bakar Xasan.

Goobjoog News