U bood dhigaalka

Jubbaland: Waxaan Bilownay inaan Dib U Habeyn Ku Sameyno Sugidda Amniga

Sheeko:Amniga

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu shaaciyay inay dib u habeyn ku sameeyeen sugidda amniga deegaannada maamulkaasi maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay ku jiraan feejignaan amni.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim Goojaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al shabaab ay doonayaan in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay weeraro ka fuliyaan deegaannada maamulkaasi waxa uuna xusay inay ka feejiganyihiin weeraradaasi.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in amaanka magaalada Kismaayo haatan si aad ah loo adkeeyay isaga oo intaas ku daray in magaalada dhexdeeda aan loo ogolaan doonin qof aan ka tirsanayn ciidanka magaalada inuu hub ku dhex wato.

“Dhamaan ciidamada Loogu talagalay sugidda amniga magaalada Gudaheeda waxaa ay Fareynaa in aysan ogolaan cid aan ciidamadooda kamid ahayn aanu la ogoleyn in qori uu ku dhex sito magaaalada dress ha wato amaba yuusan wadan”ayuu yiri Aaadan Goojaar taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Taliye Goojaar ayaa digniin u diray dadka siyaabaha kale u suurad xumeynaya howlaha lagu sugayo amniga isaga oo sheegay in daadkaas ay u arki doonaan inay yihiin kuwa suurad xumeyna howsha amni waxa uuna mar kale yiri “cid kasta oo suurad xumeyneysa howshaas waxaan u aragnaa cid qal qal galineysa amniga,mana u dulqaadaneyno,waxaana laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga,waxaa lagama maarmaan ah kulana xisaabtameynaa,kana dooneynaa cid kasta oo howsha amniga suurad xumeyneysa,waxa ay ku suurad xumeyneyso cadeemaheeda ayaan ka rabnaa”.

Jubbaland ayaa qeyb ka ah maamullada dagaalka kula jiro Al shabaab xilli caasimadda maamulkaasi ee Buáalle ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al shabaab.

Goobjoog News