U bood dhigaalka

Jubbaland: Waxay Diyaar U Tahay Ka Qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Ee Uu Hogaaminayo Rooble

Sheeko:Amniga
Maamulka Jubbaland ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aaddan shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin maamulkaas howlaha lagu dardar gelinayo doorashooyinka dalka.
“Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha Doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe.
Warka ka soo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Jubbaland ay wadaan dadaallo lagu dardar gelinayo howlaha doorashooyinka dalka.
“Waxaa meel Wanaagsan maraya dadaalada ay guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan Doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka oo si Wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu dambeyn cadeeyay mowqifkiisa ku aaddan shirka Rooble uu isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka.
“Waxaan diyaar u nahay ka qeybgalka shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe.
Mowfiqka jubbaland ayaa ku soo adaya xilli saacado ka hor Puntland iyo Koonfur galbeed ay lakala safteen Rooble iyo Farmaajo.
Goobjoog News