U bood dhigaalka

Jubbaland: Xildhibaan Ku Baaqay In La Isku Furo Waddooyinka Kala Xiran Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay kala xiran yihiin inta badan waddooyinka gobolka Gedo.

Xildhibaankan oo ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay in muhiim ay tahay isku furka waddooyinkan iyo in laga saaro Al-shabaab.

Meelaha qaar ayuu sheegay in gaadiid aan la isga gudbi karin, islamarkaana diyaarad un loo raacayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Shire in shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ay dhibaatooyin kala kulmaan Al-shabaab xilliyada ay safrayaan.

“Al-shabaab ayeey dadka dhibaato kala kulmaan, waddooyinka ma ahan kuwo si caadi ah loo mari karo, waxaa muhiim ah in la furo”

Al-shabaab ayaa xirtay in badan oo ka mid ah waddooyinka deegaannada gobolka Gedo, iyadoo meelaha qaar shacabka xitaa aanay mari karin.

Goobjoog News