Jubbaland: Xukun Lagu Riday Askari Horay Dil U Geystay

Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka  qaybta 43-aad.

Askariggaan ayaa 5tii bishan sadexaad 2020 askari kale oo ka tirsan ciidanka xooga dalka ku dilay xaafada Farjano  ee magaalada Kismaayo.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed.

Garsooraha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dawlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askarigan lagu riday xukun dil ah.

Garsooraha ayaa sidoo kale askarta dawladda uga digay in ay hubkooda si khaldan u adeegsadaan isaga oo sheegay in cid walba oo cid kale disha sharciga la marin doono iyada oo aan la eegaynin shaqadiisa ama mansabkiisa.

Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW