U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay J/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland oo ay wehlinayaan dad xoolo dhaqato hubeysan ah iyo sidoo kale Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee shalay illaa habeenkii xalay ahaa deegaanno Galbeedka ka ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa bilowday kadib markii xoolo dhaqatada hubeysan oo ay la socdaan ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyey dad ka badan 10 qof ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa sheegay in weerarka ay la eegteen ciidamo Al-shabaab ah oo dhawaan la sheegay in 2,500 neef oo Geel ah ka dhaceen dad xoolo dhaqato ah.

Dhanka Al-shabaab dagaalkaasi wax war ah kama aaney soo saarin, balse Jubbaland ayaa Todobaadkii tagey magaalada Kismaayo kaga dhowaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan galbeedka magaaladaasi.

Goobjoog News