U bood dhigaalka

In Ka Badan 15 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Galbeedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

15 qof ayaa ku dhintay kadib dagaal ku dhex-maray Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan maamul-ka Jubbaland duleedka Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Jubbaland ayaa waxaa uu sheegayaa in ilaa saddex magaalo ay ka qabsadeen Al-shabaab iyaggoo intaa raaciyay in dagaalka aanu istaagi doonin.

Janay-Abdale iyo Ber-xaano oo 60 KM u jirta galbeedka Kismaayo, Maamulka Jubbaland waxaa uu sidoo kale sheegayaa in ay gacanta ku hayaan dhamaan goobihii lagu dagaaley.

Goobjoog News