U bood dhigaalka

Ururkii Curyaamiyay Dowladda Colombia oo Nabadda Qaatay 52 Sano Kadib

Sheeko:Dalka

Waxaa lasoo afjaray colaaddii ugu wakhtiga dheerayd ee Latiin America, wadahadal socday muddo 4 sano ah ayaa ugu dambeyn miro dhalay, waxaa heshiis gaaray xukuumadda Colombia iyo ururka ‘FARC’ oo colaadi ka dhaxaysay muddo 52 sano ah, waxaa colaaddan ku naf waayay in ka badan 260 kun oo qof, waxaa meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayay 45 kun oo qof, waxaa ku baro kacay 7 milayan oo Colombian ah.

Ururkan FARC  Colombia kaliya saameyn kumuu lahayn ee waxa uu saameyn ku lahaa dadal kale,  isha dhaqaale ee laga maalgaliyaa waxay ahayd mukhaadaraad, arrintaas oo ka dhigtay Mareykanka iyo dowlado kale iney u qaadaan cadaawad ururka. heshiiskan oo Labo maalin ka hor la gaaray ayaa saameyn weyn ku lahaa dowlado kale oo dunida ka tirsan oo mukhaadaraadka loo dhoofinayay.

Aasaaskii FARC Ururka iyo Maalgalintiisa

Magaca FARC ayaa waxaa laga soo gaabiyay awoodaha hubeysan ee kacdoonka Colombia, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay sanadkii 1964, dadkii aasaasay ururkan waxay aaminsanaayeen fikadihii bidixda ee Carol Marcus, waxay u badnaayeen dadkii faqriga ahaa ee baadiyaha Colombia, baadiyahan ayaa sanadkii 1948 waxaa ka kacay kacdoon beeraalay, ururkan FARC ayaa si xoog ah usocday wixii ka dambeeyay kacdoonkaa, halka ciidanka ururka ay udub dhaxaad  u yihiin beeraaleydu.

Ururka ayaa waxa  isha dhaqaalaha u ahayd  ganacsiga cocaine oo laga beero goobaha ay gacanta ku hayaan, waxaana sanadkii uga soo xaroonayasay 300 oo milayan oo dollar; sida ilaha qaar sheegayaan oo inta badan loo iibgeynayay dalka Mareykanka, Mareykanka ayaa ururkan ku tilmama inuu yahay kan ugu khatarsan ururrada argagixsada ee galbeedka dunida.

Wadahadal 4 sano ah kadib waxaa la gaaray Heshiis Taariikhi ah

Ururkan FARC ayaa xilliyadii dambe la kulmayay hoos u dhac aad u weyn, wax uu u babac dhigi waayay weerarada isdaba joogga ah ee xukuumadda Colombia oo garab ka helaysa dowladda Mareykanka, tirada ciidanka ururka oo markii hore ahaa 20 kun oo dagaalyahan ayaa hoos u dhacay oo gaaray ill 7000 oo dagaalyahan laga soo bilaabo sanadkii 2010 illaa iyo maanta. Sidaa darteed waxa ururkan khasab ku ahayd inuu dib uga gurto kacdoonka hubaysan oo uu ka qeybgalo siyaasadda Colombia, waxaana ugu dambeyn miro dhal noqday wadahadalkii nabadeed ee mudada 4 sanno ah soo socday, soona bilowday November sanadkii 2012,  wadahadalkan waxaa garwadeen ka ahaa labada waddan ee Cuba iyo Norway ee Havana.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa  qodobbo ay ka mid yihiin, in la kala diro ciidanka hubeysan ee ururka FARC iyo iney siyaasadda ka qeyb noqdaan xubnaha ururka, xubnaha ururka ka tirsan oo sidoo kale la kala dirayo, waxaana la sameynayaa cadaalad loogu macag daray cadaaladda kala guurka. Sidaas oo kale waxaa heshiiska qodobadiisa ka mid ah in la sameynayo maxkamad gaar ah oo loogu talogalay dadka dambiilayaasha ee baxsadka ah iyo xaqiiqa raadinna sameysa, dadka dhibaartadu soo gaartayna magdhow siisa, dadka dambiyada gala ee maxkamadda la shaqeeya waxay lagu ciqaabayaa xabsi u dhexeeya 5-8 sano, iyadoo waliba xabsi si gaar ah loo hagaajiyay lagu hayn doono, dadka dambiyadooda qirta xilliyo dambe iyo baaris ka dib waxay la mid yihiin kuwii hore, laakiin iyadoo xabsi caadi ah lagu hayndoono iyagana,  dadka kale ee dambiilayaasha ah waxaa lagu xukumayaa xabsiyo gaari kara illaa 20 sano. Marka la eego dambiyada dhinaca siyaasadda la xiriira, waxaa laga soo saarayaa sharci cafis guud ah oo lagu muujinayo nooca cafiskiisu noqonayo.

Waxa ugu weyn ee la isku mari la’aa ayaa waxa uu ahaa in ururka FARC  uu  doonayay in aan dagaalyahanadiisa iyo ganacsatadiisa mukhaadaraadka aan waxba loo raacan, taas oo ay dowaladda Colombia ka biyo diidday oo ay ku adkeysanasay in cid kasta cadaaladda la horkeeno oo la mariyo.

Falanqeeye ka tirsan International Crisis Group oo la yiraahdo Johnson ayaa heshiisan ka yiri, ” Waxaa dhici kara in heshiiskani uu soo afjaro dagaalkii hubeysnaa ee Colombia, laakiin wax kastaa maalmo kuma dhamaadaan”.

Ugu dambeyn; heshiiskan taariikhiga ah ee la kala saxiixday Khamiistii la soo dhaafay ayaa loo qaadayaa afti dadweyne 2 October ee soo aaddan, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Santos ka Colombia.

W/D: Khadar Xuseen Maxmed

Goobjoog News