U bood dhigaalka

Ka Hakinta Shaqada Kadib, Rooble oo Lala Wareegay Xafiikiisa

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gudaha Villa Somalia ayaa sheegaya in la xiray xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble, loona diiday isaga iyo shaqaalahaba iney tagaan, arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii uu Farmaajo ka joojiyey shaqada.

Ilo ku dhow xafiiska Rooble ayaa sheegaya in ra’isul wasaaraha aanu kasoo bixi karin gurigiisa, lana diiday inuu xafiiska tago.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku eedeeyey Rooble musuq, kutafrifal hanti dadweyne, iyada oo la faray baaris la xiriirta arrimo dhul.

Xiriirka labada xafiis ayaa xumaa in muddo ah, iyada oo Rooble dhankiisa uu Farmaajo ku eedeeyey mid aan dooneyn doorasho, isla markaana uu fowdo wado.

Dhanka kale, waxaa xiisad ka taagan tahay iyada oo wararka ay sheegayaan in ciidamo lagu arkayo jidadka laga soo galo caasimadda Muqdisho, iyada oo halkaas la geeyey horimo horleh, oo xoojin ah.

Goobjoog News