U bood dhigaalka

Kaaliyaha Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo Ka Hadlay Dilalka AMISOM, Dhibaatada Haweenka iyo Caruurta

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho Kaaliyaha Xogheyaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka , kaaliyaha ayaa booqasho waxaa uu ku maray magaalooyinka Nairobi, Muqdisho iyo Baydhabo.

Ivan Šimonović ayaa u yimid Soomaaliya sababo la xiriira Xuquuqul insaanka gaar ahaan in la ilaaliyo rayidka iyo xuquul insaanka marka laga hadlaayo waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada.

Ivan waxaa uu amaanay waxaa uu ugu yeeray amniga soo hagaagaya ee ku yimid dadaalka ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM iyo qabsashada ay Al-shabaab dhul ka qabsadeen.

Ivan Šimonović waxaa kaloo uu amaanay sida Soomaaliya ay hormarisay hay’adaheeda dastuuriga ah oo ay ku jirto dhinaca amaanka.

Mar uu ka hadlayey kuna uu la qaatay xukuummada waxaa uu sheegay in uu soo dhaweeyay dhismaha guddiga xuquul insaanka isagoo baarlamaanka ku dhiigrigaliyay in ay hubiyaan Madaxbanaanida guddigan.

Ivan Šimonović waxaa uu intaa raaciyay in dowladda uu kala hadlay xuquuqda caruurta, dadka naafada ah , Midab takoorka haweenka iyo xukunka dilka ah.

Ninkan waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan ku xadgudubka xuquul insaanka xiliga ay jiraan howlagallada sida in dadka la iska dilo, la iska xiro ama la kufsado, isagoo Madaxweynaha u sheegay in hay’adaha amaanka, AMISOM iyo ciidamada kale ee shisheeye ee halkan jooga in ay wax ka qabtaan eedeymaha loo soo sheegay.

Xilliga dagaalka waxaa uu sheegay in ay tahay xuquuqul insaanka iyo sharciyada xuquuqul insaanka si aan wax loogu dhimin dadkii la rabay in la badbaadiyo.

Mar uu ka hadlayey Al-shabaab waxaa uu sheegay in aan dagaal waxba looga tareyn awood ciidan ee waxaa in wax laga qabtaa xuquul insaanka, faqriga, Musuqa, maamul wagaadda iyo in sinaan la helo.

Doorashada iyo dib u eegista dastuurka waxaa uu ku taliyay in haweenka iska dhex arkaan, bulshada rayidka iyo dhalinyarada in dhamaan la qeyb qaato.

Waxaa baahi loo qabaa ayuu loo yirir hay’ado Dimoqoraadi ah oo ay ka qeyb qaataan dhamaan bulshada sida beelaha, rag iyo dumarba.

Waxaa in la hubiyaa ugu yaraa 30% in ay haweenka ka helaan baarlamaanka iyo qeybaha dowladda si wax uga tarto isfahamka dadka.

Haweenka waa in ay ka qeybgalaan hay’adaha fulin iyo qeybaha kale, waxaa kaloo muhiim ah in wax loo qabto barakacayaasha iyo soo celinta qaxootiga.

Dadka qaxootiga ee la soo celiyo in helaan sharaf, xoolo iyo wax walba oo ay xaq u leeyihiin, waxaa kaloo dhaleeceeyay dadkii rayid ahaa ee Xamae lagu dilay iyagoo raadinaya raashin, isagoo dalbaday in qofkii dambiyaga galay la sheego, lana ciqaabo, dadka masaakiinta ahna waa in mudnaan la siiyo.

Waxaa uu hay’adaha dowladda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii gargaarka u gaari lahaayeen dadkii loogu talogalay.

Ugu dambeyn waxaa uu ka codsaday in dadka Soomaaliya ee ka gudbaya Badda Cad aan wax dhibaato loo geysan.

Goobjoog News