U bood dhigaalka

Kaamka Badbaado: Barakacayaal Ka Cabanaya Taliyaha Booliiska, 600 Oo Qoys Ayaa La Barakiciyay

Sheeko:Dalka

Barakacayaal ku sugan kaamka Badbaado qeybta Dharkiinley oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in ay ka cabanayaan dhibaato ay sheegeen in uu ku hayo madaxa boliiska qeybta galbeed iyaga oo intaa raaciyay in 600 oo qoys la barakiciyay.

Maxamuud Macow Cali oo dadkaasi ka mid ah oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu yiri:

“Annaga waxaan nahay barakacyaasha kaamka Badbaado gaar ahaan qeybta Dharkiinley ee Xoosh,  dadkaas oo 2011kii ay dajisay dowladdii KG aheyd, waxaa nahay dhibanayaal Soomaaliyeed una dhibban madaxda booliska qeyba ka mid ah sida qeybta galbeed oo kale waxaa nagula sameeyay,  wax la dhaho amar degdeg ah oo ilaahey aan raali ka aheyn boldoos ayaa nala mariyay in ka badan 600 oo qoys ayaa la barakiciyay, haddana marka ay ugu yar tahay kun dad gaaraya ayuu yiri waa amar degdeg ah taliyaha booliska muwaadiniin Soomaaliyeed oo dowlad Soomaaliyeed ay meesha dajisay xaq ku yimid ayaa aheyn, waxaa nala duud siinayaa xaqii aan laheyn “.

Mako sheikh Isqaax oo dhankeeda cabashada ka waddo ayaa waxaa ay sheegeysaa sida loola dhaqmay: “ Waxaan ka cabaneynaa maamulka degmada Dharkiinley gaar ahaan taliyaha qeybta,  wuxuu nagu sameeyay  boolis waaye,  waxaa wax nagu sameeyay isaga ayey ka amar qaataan fulin ayaa leeyahay ayuu yiri anoo gurigeyga ka maqan ayaa ilmaheyga guriga loogu yimid haraanti  iyo feer ayaa Cabdi bilaha lagu saaray waxaa la geeyay saldhigga,  markaa tagnay saldhigga waxaa nala dhahay taliyaha ayay u xiranyihiin caruurta, booliska afar sano ayuu dhib nagu haayay kama cabaneyno maanta degmada Dharkiinleyh gaar ahaa guddoomiyaha cusub cabasho ayaa u gudbinnay ,gudoomiyaha hadda cusub waa naga qaatay cabashadeenna wuuna ku mahadsanyahay dowladda waxaan rabnaa  dheg-dheer iyo cod dheer in ay nagu maqasho ayaa rabnaa dad masaakiina oo jilacsan ayaan nahay isma qaadi karno”. 

Axmed Maxamed Mahadle oo waxaa uu dowladda u jeediyay codsi isaga oo yiri“waxaan ka codsaneynaa in ay naga soo gaarto oo ay naga qabtaan  dadka gabool fallada nagu haya”.

In kasta oo xiriir la sameynay hadana Goobjoog News uma suurogelin in hesho taliyaha laga cabanaayo.

Wixii warar ah oo arrinkan la xiriira kala soco, Goobjoog News