U bood dhigaalka

Kaftan Ibraahim “Waan Ku Faraxsanahay Soo Joogitaanka Kooxda Horseed”

Sheeko:Cayaaraha

Kabtanka kooxda Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed ayaa heshiisa cusub u saxiixay kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Gaadiidka uu horomar wanaagsan iyo guulo waaweyn ee la gaaray sii joogitaanka halkan uu kaga mahad celinayo maamulka ciidanka xoogga ee Horseed.

Macallinka Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha naadiga DR.Maxamed Axmed Maxamed,isagoo sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida magaca Horseed dhamaan ciyaartooydana uu la yahay saaxiib aad u dhaw.

Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay ka shaqeyn donaan horomarinta iyo kor u qaadida xirfadlayaasha u ciyaara naadiga Horseed.

“Waan ku faraxsanahay sii joogitaanka kooxdda Horseed waxaan rajaynayaa in aan la gaaro guulo waaweyn mustaqbalka dhaw,waxaan u mahad celinaynaa saaxiibadii iyo maamulka igu dhiiri geliyay in aan sii joogo kooxdayda” ayuu Goobjoog u sheegay kabtanka naadiga Horseed Ibraahim Cabdi.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Saxiixa Kabtanka Kooxda Horseed