Kagaashaamashada Hadda ayaa Ka fudud Gurmadka Hadhow!

Jeermiska waa noolayaal yar yar oo ilmaqabato ah; sida Bakteeriyada, Fayruska, Baarasaadyada iyo Fangaska. Dhammaantood siyaabo kala duwan ayaa ay u soo galaan jirkeenna, iyaga oo weerar ah. Hab difaaca jirkeenna ayaa kahortag ku sameeya duulaankaas, waxaana jawaabcelinta uu jirku bixinayo lagu macneeyaa Caabuq oo ah sababta keenta infegshinka (Infection).

Jeermiska waxa uu u baahan yahay meel uu ku koro kuna tarmo isla markaana uu ka helo fursad uu ku waxyeeleeyo jirkeenna. Fursadahaas ayaa ah in qof unugul cudurka uu u soo dhawaado meel cudurku uu ku korayay ama qof cudurka qabay.

In jeermisku wax u dhibo noolaha kale maahan wax ku yimaada nasiib, se waxaa jiro fursado saamaxa in uu qofna cudur ku dhaco, qof kalena uu ka badbaado; ama si kale aan u iraahdo ee, in hal cudur uu ku badanaado hal deegan, halka cudur kalena uu ku badan yahay deegaan kale.

Tusaale ahaan, xilliga uu wabiga guro, bulshooyinka deegaanka ayaa qashinka ku soo daadiya webiga hareerihiisa oo markaas ah meel qalallan, carruurtuna halkaas ayaa ay, inta badan, ku saxaroodaan. Qashinka waxaa lagu tiriyaa mid ka mida goobaha uu ugu jecel yahay Jeermisku, si uu ugu koro.

Jeermiska oo muddo ku korayay qashinka tuban hareeraha webiga, ayaa waxaa imaanaya roob biyo dhiga webiga, markaasna bulshada ayaa billowda in ay waraab u soo doontaan webiga oo ay horraantii iyagu qashinka sii dhigayeen. Sidaas ayaa ay dadku ku cabaan biyo ay wasakhdu dhex taal oo cudursideyaal badan ay ka buuxaan.

Sidaa darteed waxaa muuqata in bulshooyinka deggan meelaha biyafadhiisiga ah ay kaga nugul yihiin cudurrada dadka aan biyafadhiisiga u dhaween.

Tusaalaha kale, marka nin qaba cudurka TB-da uu ka shaqeynayo maqaayad, ama uu laamiga ku gado biyo baca kujiro, uuna yahay qofka soo diyaariyay biyahaas, ee markii hore ee uu soo xirxirayay bacda biyaha uu soo afuufay, sidaasna cudur-sidihii hore ee ku noolaa sanbabihiisa ama xubnaha kale ee neefqaadka jirka ay si fudud u galeen bacda biyaha lagu shubi rabay; waxaa hubaal ah qof walba oo biyahaas caba in uu kaga nugul qaadista cudurka TB-da qofka aanan cabin.

Ma hubo in labadaan tusaale ay soo koobi karaan fakarka ah in cudurka uusan ku imaan si safmar ah ama nasiib ah, balse ay jiraan fursado kuu sababi kara iyo kuwo aad uga badbaadi kartid. Hase ahaatee, waxa aan hubaa in haddii aan helno tusaalooyin iyo wacyigelin ballaaran oo ku aaddan  barashada iyo kahortaga cudurrada isku gudbo, in la heli karo bulsha iska ciribtirta cudurro badan .

Dunida saddexaad ee ay ku yaallaan dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxa ugu badan oo ay la tacaalaan ama dhaqaalahooda uu ku lumay ayaa ah daaweynta iyo maareynta cudurrada la isu gudbiyo (Communicable Diseases), balse wali sidaas ay tahay dhimmashada ugu badan ee  ka dhacda dalalkaas waxaa sabab u ah xannuunadaas Infegshinka la xiriira, waxaana la aaminssn yahay in ay ugu wacan tahay kahortag-la’aanta cudurka iyo aqoondarro ka heysata siyaabaha cudurka loo kala qaado.

Goballada Soomaaliya ee mar walba ay ka dillaacaan cudurrada shubanbiyoodka iyo duumada, waa goballada ay maraan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle. Sannad walba xilli gaar ah aya ay cudurradaas soo laablaabtaan. Dadka u gurmada dhammantoodna waxa ay qarash geliyaan daaweynta dadka xannuunsan. Waxaas oo dhanna, waxba ka ma tarin in la ciribtiro cudurka ama laga hortago.

Hadda oo caasimadda Muqdisho uu ka da’ayo roob xoog leh, ayna jiraan goobo badan oo biyafadhiisi noqday, dadka goobahaas ku hareeraysan ee qoysaska iyo carruurta ah haddii aan lala gaarin gurmad ku saleysan kahortagga cudurrada faafa, waxaa la wajihi doonaa in hadhow maaraynta cudurrada dhallan doona lagu baxsho lacago tobannaan jeer ku labajibbaaran inta kahortagga lagu bixin karo.

W/q: Dr. Abdifatah Barre

Bachelor of Medicine and Suregeey (MBBS)

Bachelor of Public Health (BPH) 

DrBarre8@Gmail.com

Mogadishu, Somalia

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW