U bood dhigaalka

Kala Carar ka bilowday Ukrain Xilli La Ogaaday Goorta Uu bilaabanayo Dullaanka Ruushka

Sheeko:Amniga

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka ee Jake Sullivan ayaa sheegay in ay aad ugu badan tahay in Ruushka uu ku duulo dalka Ukrain ka hor inta aysan dhamaan ciyaaraha Olombikada Adduunka ee ka socda dalka Shiinaha oo la soo gabagabeyn doono 20-ka bishan February.

Sullivan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad waxa uu intaa ku daray in weerar Ruushka uu ku soo qaado Ukraine uu dhici karo maalin kasta, ayna u badan tahay inuu duullaanka ruushku ku bilowdo weerar xagga cirka ah, wuxuuna lataliyuhu meesha kasaarin suurtagalnimada weyn ee ah in bartilmaamedka duulaanka Ruushka ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo ay ka mid tahay caasimadda Kiev.

Hase ahaate Moscow ayaa diiday hadalada Mareykanka ee ku aadan duulaanka Ruushka ee Ukraine, waxayna ku eedeysay Galbeedka inay bixinayaan macluumaad khaldan.

War qoraal ah oo soo baxay goordambe oo Jimcahii ah, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Ruushka uu wajahayo weerar warbaahineed oo lagu bartilmaameedsanayo dalabaadkiisa ku aaddan dammaanad qaadka amni, kaas oo ay ugu horreeyaan in ay NATO kusoo fidin xuduudihiisa.

Hadalkan ka soo baxay Ruushka ayaa ku soo aadaya xili xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin uu u xaqiijiyay dhiggiisa dalalka Poland, Germany, Canada, France, Romania iyo Italy in ka go’ntahay Washington difaaca xulafada iyo xubnaha NATO. 

Dedaallo Diblomaasiyadeed: 

Dadaal lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda xadka Ukraine, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa inay ku wadahadlaan khadka taleefanka fiidnimada Sabtida.

Aqalka Cad iyo  Kremlin-ka ayaa labaduba xaqiijiyay wadahadalka, inkasta oo kan dambe ee ku yaalla Moscow uu sheegay in wadhadalku ku yimid codsiga Mareykan, halka Washington ay sheegtay in dhanka Ruushka uu soo jeediyay in la qabto maalinta Isniinta ah, halka Mareykankana uu soo jeediyay in la qabto Sabtida, taasoo la isku raacay

Iyadoo uu socdo dajinta ajendayaasha wada hadalka la qorsheeyay ee u dhexeeya madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka, dhankooda madaxweynayaasha Ruushka iyo Faransiiska waxay yeelan doonaan xiriir la mid ah, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka.

Dhanka talisyada ciidamada  wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in Taleefanka ay ku wadahadleen taliyayaasha ciidamada Maraykanka iyo Ruushka.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa ku baaqay – intii uu ku guda jiray kulankii uu Moscow kula yeeshay dhiggiisa Britain Ben Wallace – in Galbeedka ay joojiyaan shixnadaha hubka ah ee ay udaabulayaan Ukraine.

Mr Wallace, Xoghaye dfiaaca Britain waxa uu sheegay in uu Ruushka ka helay dammaanad ah in aanu ku talo jirin in uu ku duulo Ukraine, waxaanu ka digay in tallaabo kasta oo Ruushku qaado in ay cawaaqib xun yeelan doonto.

Waqtiga Duullaanka: 

Sid ay qortay Bloomberg oo ka soo xigatay saraakiil Maraykan ah, oo si hoose xiisadda ugu dhuun daloola, in talaabada Ruushka ee duullaanka Ukraine laga yaabo in ay bilaabato talaadada soo socota.

Sida laga soo xigtay saraakiishan, ficilada Ruushku ee duullaanka ayaa ku bilaaban kara daandaansi iyo duullaan ay qaadan gooni ugoosatada gobolka Donbass, halkaas oo ciidamada Ukraine ay sanado badan ka dagaalamayaan fallaagada ay taageerto Moscow.

Saraakiishan ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in aysan aaminsaneyn in Putin uu go’aan kama dambeys ah ka gaaray soo afjarida dawladda Ukraine.

Cabsida laga qabo duulaanka ruushka dartii Mareykanka, Britain, Norway, Midowga Yurub, Australia, Japan iyo dalal kale ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda iyo shaqaalahooda aan muhiimka ahayn inay ka baxaan Ukraine.

Diyaargarow Ciidan: 

Iyagoo ka jawaabaya dhooltusyada iyo dabridka dhulka iyo cirka ee ay ciidamada Ruushku ka wadaan gudaha Ruushka iyo waliba dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, iyo dhaq-dhaqaaqa raxan marakiibta dagaalka ruushka ee ku sugan badda madow, wasiirka difaaca ee Ukraine Oleksiy Reznikov ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay dhoolatuska milatari oo ka dhacaya guud ahaan dalka.

Waxa uu intaa ku daray in dhaqdhaqaaqyadan lagu qaban doono goobo ku aadan kuwa Ruushku ka wado xuduudaha, gaar ahaan dhoolatuska Khamiistii ka bilaabmay Belarusia.

Marka la eego galbeedka, muuqbaahiyaha Fox News oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in 4 kamid ah maraakiibta wax burburisa ee Mareykanka ay soo gaareen biyaha Yurub si ay u taageeraan xulafada, iyagoo ku biiray taliska lixaad ee mas’uulka ka ah amniga yurub.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibtaasi ay dhamaantood yihiin kuwa difaaca gantaalada balaastikada ah waxaana sidoo kale saaran gantaalada cruise-ka weerarka ah ee Tomahawk.

Waxayna Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon  shaaca ka qaaday in ciidamada dheeri ah oo ka tirsan qeybta 82-aad ay gaari doonaan Poland horraanta toddobaadka soo socda.

Waxay wasaaradu tilmaantay in Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin uu amray in 3,000 oo askari oo Maraykan ah loo diro Poland labada maalmood ee soo socota.

GOOBJOOG NEWS

W/Q Yahye Abdullahi Soocade