U bood dhigaalka

Kala Xirnaanshiyaha Magaalada Gaalkacyo Oo Saameyay Haasaawaha Dhallinyarada Labada Dhinac

Sheeko:Dalka

Burburkii dagaalkii sokeeye ee dalkeena ka dhacay ayaa saameyn ku reebay magaalooyin iyo gobollo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya.

Magaallo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka uu saameynta ku reebay dagaalkii sokeeye ee dalkeena ka dhacay taasi oo ku riixday in Gaalkacyo ay noqoto magaallo u kala qeybsanta Labo dhinac, waxaana xilligaan ka arrimiya maamullada Galmudug iyo Puntland.

Waxaa jirta dhibaatooyin saameyn ku reebay dhallinyarada ku sugan magaalada Gaalkacyo inkastoo ganacsatada magaaladaasi yihiin kuwo si caadi ah isaga kala goosha taasi oo ku timid isku xirnaanta ganacsatada Gaalkacyo, waxaana dhibaato muddo soo jiitameysay ka taagneyd haasaawaha dhallinyarada Labada dhinac.

Inkastoo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay dhibaatadan ka taagneyd magaalada Gaalkacyo ayaa hadana xilligaan waxaa la oran karaa waxay maraysaa dhibaatadan dhallinyarada ka haysata Haasaawaha mid kasii dareysa.

Cabdi Nuur waxa uu ka mid yahay dhallinyarada magaalada Gaalkacyo isaga oo la hadlay Goobjoog ayuu sheegay in dhacdo aad u xanuun badan uu kala kulmay Haasaawaha magaallada Gaalkacyo.

“Run ahaantii waxaa i qabsatay qiso aad u xanuun badan, waxaan aad isku jeclayn gabar ku nool waqooyiga magaalada Gaalkacyo, inta badan waa is arki jirnay, is arageenna waxa uu ahaa in aan isku aragno meelaha xuduudaha oo kor haye iska dhahno, hadane kala cararno marka aan qof qori wadato ama qof Labo jeer nasoo eego aan aragno, habeen ayaan nafteyda qatar geliyey oo aan aaday dhankii ay gabadhii ku nooleed, waqtiga ayaa ila dheeraaday mar ay tahay Seddax saac ayaa gabadhii i xusuusisay iina sheegtay in dhul dheer aan ka imid, waxay i dhahday waan ku dhaweynayaa, waxaan fikiray inaan nin rag ahay gabadhana wax walbo ku dhici karo, magaalada waa mugdi, kaligey ayaan soo lugeeyay, hadii aan arko bac shanqareysa ama qof meel maraya wadnaha inuu i istaago ayaan halis u galay, sida aniga oo dadka ka soocan baan dad dhan ka baqayey, markaan imid xaafaddii baan wacay gabadhii una sheegay in mar kale aan tagi karin xaafadooda” ayuu yiri Cabdinuur.

Isgaarsiinta iyo aaladaha kale ee bulshadu ay ku kulanto ayaa fududeeyay sida la rumeysan yahay xiriirka dhexmara dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku kala nool Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo maadaama ay adag tahay in ay is arkaan.

Nasra Maxamuud Jaamac waxa ay ka mid tahay gabdhaha ku nool waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxa ay aaminsan tahay in saameynta qabyaaladda iyo siyaasadda is diidan ay sii kala fogeynayso dhallinyarada Labada dhinac.

“Waxaan ka mid ahay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, hadii aynu nahay dhallinyarada Labada dhinac dhibaato badan baan la kulannaa waxayna taasi tahay qabyaalad, saameyn aad u adag bay nagu yeelatay, tusaale wiil ku sugan Koonfurta Gaalkacyo aniga oo jooga Waqooyiga isma arki karno wiilkii kuuma imaan karo oo waa la kala baqayaa, hadana maba la is heli karo sababaha ugu wacan ayaa ah in aan la isku gudbi karin, waxaa laga baqayaa in lagu dilo hadii aad dhankaan aaddo” ayeey tiri Nasro.

Dhinaca kale Cabdinuur Boolan ayaa sheegay in hadda gabadha uu jecelyahay ee ku nool dhanka Waqooyiga Gaalkacyo uu marayo meel gabogabo ah, uuna marayo heer guur ah.

“Caqabadii ugu sii daran ayaa ahayd in gabadhii aan guur ku heshiinnay, waxay iga codsatay inaan reerkeeda ka doonto, markii aan waalidkey u sheegay wey yaabeen, waxay i dhaheen inaan meeshaas tagno gabar kaagama dooni karno, dhulkana waa weynyahay ee meel kale ka raadso, hadane waxaan la hadlay reerkii gabadha gaar ahaan waalidkii, waxay i yiraahdeen maadaama aan Waqooyi iyo Koonfur kala degannahay ma suurta galayso, hadii ay dhacdana hadane gabadhii ma booqan karno, marka waxaan oo dhan waxay noqotay caqabad culus, waxaan dhahay aabahay markii dambe Hal mar naftaada ii qatar geli i raac oo aan xaggaa tagno, wuxuu i dhahay ma waxaad rabtaa farxaddaada mise waxaad rabtaa geerideyda” ayuu yiri Boolan.

Dhallinyarada saameynta ay ku yeelatay mustaqbalkooda guurka kala xirnaanshiyaha magaalada Gaalkacyo ayaa soo jeediyey xalka kaliya ee caqabadan looga gudbi karo.

“Xalka ugu dhaw waa in hal maamul laga dhigo Gaalkacyo dadka magaalada dhan ay Hal maamul yeeshaan” sidaasi waxaa tiri Nasra Maxamuud Jaamac.

W/D: Cali Nuur Cayn

Goobjoog FM

Gaalkacyo, Mudug