U bood dhigaalka

Kalfadhiga 8-aad Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka koowaad ee kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Kalfadhigan oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamaanka 9aad ayaa la filayaa in xubnaha loo qeybiyo ajandaha kalfadhiga 8aad, si ay uga soo baaraan dagaan, isla markaana ay u ansixiyaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa xarunta baarlamaanka waxaa shir ku lahaa guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka arrinsanayay ajandaha kalfadhiga 8aad iyo sida ugu haboon ee loo fulin karo.

Ugu dambeyn, kalfadhiga 8aad ayaa ah mid aad xasaasi u ah, maadaama ay xubnaha baarlamaanka horyaallaan qodobadii ugu muhiimsanaa ee loo igmaday baarlamaanka 9aad, oo ay kamid yihii; Istiraatiijiyadda doorashada baarlamaanka 10aad, Ansixinta wax ka bedelka dastuurka iyo meel marinta shuruuc ay ka mid yihiin sharciga qabyo qoraalka Axsaabta.