U bood dhigaalka

Kaligii Taliye Hore oo Lagu Maxkamadeynayo Wadanka Senegal-Akhriso Taariikhdiisa

Sheeko:Qormooyin

Hissene Habre oo ahaa Kaligii-taliye u dhashay dalka Chad ayaa Isniinta oo 20 Bisha July lagu maxkamadeynayaa dalka Senegal ee galbeedka Afrika.

Mr. Habre ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa dhimashada in ka badan 40,000 sida lagu sheegay warbixin la daabacay 1992, Kaligiitaliyaha Habre waxaa lagu heystaa arimo badan oo ay ku jiraan Garaacid, Maqaarfiiq, Garaacid, Gubid iyo Cijiyo bixin.

Xeer-ilaaliyaha waxaa uu sheegay in 2,500 dhibane ay diiwaangaliyeen kooxo rayid ah, 100 kale ayaa loogu yeeray marqaati, hay’adda Human Rights Watch waxaa ay sheegtay in 4,000 dhibane iyo eheladooda la diiwaan galin doono todobaadkan.

Habre waxaa markii hore waxaa ay eedeyntiisa iyo Kiiskiisa laga furay Senegal balse kadib muddo waxaa loo wareejiyay Belgium balse ugu dambeyn waxaa lagu soo celiyay Senegal, iyadoo la meelmariyay sharciyo cusub oo ay ku jiro aasaasidda Maxkamad gaar ah oo arintan xilsaaran.

Mr Habre oo  72 jir, Waxaa uu iska fogeeyay dhamaan eedeymaha lagu heysto oo lagu sheegay dilka iyo Jirdilka.

Habre waxaa uu dalkaas afgambi ku qabsaday 1982 isagoo kala wareegay Goukouni Oueddei oo ahaa  nin horay ay falaago u wada ahaayeen oo doorasho ku guuleystay.

Hadaba Waa Kuma Hissene Habre:

Hissene Habre waxaa uu dhashay sanadkii 1942-dii, waxaa uu ka dhashay Qabiilka Toubou herders oo dega waqooyiga dalkaasi Chad. waxaa deeq waxbarasho ka helay dalkaasi Faransiiska iyagoo Magaalada Paris ka dhigtay Cilmiga Siyaasadda.

Hissene Habre Waxaa uu soo caanbaxay oo aduunka laga bartay kadib markii taageerayaashiisa ay afduubteen 3 qof oo u dhashay qaaradda Yurub, iyagoo dalbaday Lacag madax furasho ah.

Iyadoo arintaas hore ay jirto ayuu dalka qabsaday 1982-dii, Waxaa markiiba taageeray CIA-da Mareykanka iyo dalka Faransiiska, isaga oo saldhigyo siiyey reer galbeedka halkaasi oo looga duulayay dalka Liibiya oo uu markaasi ka talinayay hoggaamiyihii hore Mucamar Al-Qadaafi,  laakin markii dambe 1990-kii, waxaa afgambiyay Madaxweynaha hadda talada haya ee Idriss Deby oo Habre u ahaa la taliye xagga amniga.

Hissene Habre waxaa lagu heystaa in uu Cadibi jiray dadka Mucaaradka ah, isagoo adeegsan jiray Barkad ay biyo ku jiraan si dadka Koronto lagu dhajiyo.

Goobjoog News